Xarun Labaad, oo ay Jaamacadda Green hope Beledweyne ka Furatay Jamacadda Green Hope waxay xarun labaad ka furatay magaalada Beledweyne,

Xarun Labaad, oo ay Jaamacadda Green hope Beledweyne ka Furatay Jamacadda Green Hope waxay xarun labaad ka furatay magaalada Beledweyne, waxaana goobjoog ka ahaa munaasabada xarigjarka xarunta labaad ee jaamacadda guddoomiyaha degmada Beledweyne mudane Nadar Tabaax Maalin.
Jaamacaddu waxay xoogga saartaa ballaarinta iyo tayaynta tacliinta sare, sidaa darteed ayaa xarun labaad loo furay. Xarunta cusub ayaa fursad weyn u ah qaybaha kala duduwan ee bulshada gaar ahaan ardayda iyo waalidiinta. Jaamacadda ayaa bixisa adeeg waxbarasho oo itus oo I taabsii ku dhisan, waxaana loogu adeegaa si hufan iyadoo la adeegsanayo agab casri ah.
Xarunta ayaa noqon doonta madashii horumarinta aqoonta iyo xirfadaha. Xarumaha jaamacadda ayaa ah goobo cilmibaariseed, oo lagu tayeeyo aqoonta laguna hormarinayo xirfadaha ardayda, iyadoo la siinayo barnaamijyo tacliineed oo si weyn looga shaqeeyay.
Xaruntan cusub ayaa degaanka uga dhigan inay helaan fursado shaqa-abuur iyo tacliintii oo u dhow. Waxay jaamacaddu idiin ballanqaadaysa inay idin siiso tacliin toosin iyo tilmaan leh, oo tabaruc ah. Jaamacaddu waxay si toos ah uga jawaabtaa baahiyaha bulshada.
Ugu dambeyntii, Jaamacadda Green Hope waxay u taagan tahay inay taageerto ardayda Soomaaliyeed iyo dhammaan bulshooyinka degaanka, iyadoo kor u qaadaysa fursadaha waxbarasho iyo horumarinta aqoonta.

Leave a Reply